dhalaalkeedaan arkoo
dareenkuu dhakhsuu igalay
dhehbaan erayaan lahaa
dharaaro wad baan lahaa
u dhiib noloshaan lahaa
ka dhawr xumahaan lahaa
ku dhoob ubax baan lahaa
dadbaa isku keen dhuftee
miyaan kala dhofi lahayn
dadbaa isku keen dhuftee
miyaan kala dhiman lahayn

janaankeedaan dhugtoo
dhex gee qalbigaan lahaa
dhabtii is hantaan lahaa
dhista aqal wayn lahaa
dhay geel u lis baan lahaa
awlaad ka dhal baan lahaa
jacaylka dhansii lahaa
dadbaa isku keen dhuftee
miyaan kala dhofi lahayn
dadbaa isku keen dhuftee
miyaan kala dhiman lahayn

Exit mobile version