adaan ku rabayo kugu rafaadaye
qalbigan ku raacaa raysan waayee
raxmada caashaqu anay i rushaystee
RABIBAN ka tuugaa raas qabow oo
ruuxii yimaadaba lagu riyaaqee
adoon i riiqayn raali ahow
ruuneey jacaylkii naftayda riiqaa
ruxay laabtee kugu riyoodee
hadmay run noqonoo raas dagaynaa
raasamaalkii dunidaay soo ruclee bal
rafiiq aan noqone soo ruclee bal
waa runtaydee soo ruclee bal
raaxadaydaay rucubaad haysaa