ma sinee habluhu
suurad kala qurxoon
sumcad kala haboon
kala badan samaan
sawraciyo tilmaan
sinji gobonimo
saafi baad tahoo
waad saarigataa
kalgacayl saxooo
saxar aan lahayn
kugu soorayoo
sadrigaad dagtee
u saree hablaha

sidan saymo roob
subax hore da,oo
dhulka daadku simoo
naftaad saacidaa
sharaf soocanoo
saatir uumayee
sadarada murtida
adaa saad u helay
kalgacayl saxooo
saxar aan lahayn
kugu soorayoo
sadrigaad dagtee
u saree hablaha

Exit mobile version