waa la ii adimay
axadii sidaan
kuu eegayee

Arageeda taan
ku ildoogsadaay
ma ilowsantahay
axdigaad martiyo
meeshaad i tidhi
waan imanayaa

Imasaa fariin
Ergo soo dirtoo
Oonka iyo biyaha
Mudo awadeey
Ugu soomanaa

Hadaad i tiraahd imaan maayo
Ma aadeen halkaad ogsoontahay

Indhahaa habeenkii
Ku ilaalinaayo
Gabigeed aduunyada
Afarteeda waxyood
Hadba gees u eegaa

Anigu islahadloo :
Mar waxaan iraahdaa
ku ilaabi maysoo
Weli soo joog

Mar waxaan iraahdaa
Axdigeedu dhigatoo
Kolay oofin meeydee

Samir eebo qaado
Kafog akteedaan
Uurkayga galiyaa

Aamusnaaw habeenka
Ugbaadka iyo dooga
Tiiraanyo la ooyo
idilkood ??
Afar qaaday socodkee

Arimada jaceyl baa
ihogaamineesoo
misana kama adkeestoo
kama hooydo waayo
Nafta olol ma deeysee

Ubax baan guroo
Soo aruuriyoo
Amaran goin
??gurig
Ku agdaadiyoo

eedaanka diigo
oogsaday salaadiyo
waago iftiimaan
kaliday inaan ahay
ashqaraarka saaroon
adimada cuskadayoon
dib u soo aroore
bal kol ay ahaatabaa
laba eeftay caawe 🙂

Exit mobile version