Amarkaan ku faray iyo
axdigeynu dhiganee
arabacada habenkii
sadaxdaba ilowdee
isniin miyaan ka dhiganaa
Abwaankii siduu yiri
waxaa lagu asteeyaa
arabacada lagu tilmaamaa
iney tahay mid faladaad
Oo arin ii dhamaaninee
ma saasaad u ooshoo
ku ilaawday wacadki

Ayaamaha Illahey
eed maleh midoodine
waxa aniga ii roon
taad ii timaade
Arabac iyo isniin iyo
axad ma iska dhaafnaa
afti la isku dira iyo
ergo ma iska deynaa
inagey isku oomane
nacam ma iska oodna
Erin dhabanka geeluba
ilmaha meesha lagu xiro
ambadka kama habaabe

Inagoo is aragoo
aan bixin ogeysiis
sida uurku baalaha
ma isi so abaarnaa

Exit mobile version