ragbay caadadii tahayoo
dumarka wuu caraabaa
cawayskuu u guuraa

camilka dookhana
miduunbaa cajabisee
cir onkaday hiiceey
calalkiyo xareedeey
cosobiyo ugbaadeey
caashaqii i lumiyoo
cidlaan baadi doonkaa
cir u jiidhayaa

shinbiriba codkeed cidaayo
geedba caynkii midho bixi
caashaqu bad ila jiidh
ceeriyaaniyo dabaylbaa
hawada igu cilaalee
calaf iyo nasiiibeey
cajab iyo amuureey
caafimaadkii noloshaay

cawa daranta fiidkiyo
casarkii xaalo iga lumay
cimil caadka baadida
cayniyo ganboorbaa
geelaygii cunayaa
canbar iyo udgooneey
caano midho bisleeyaa
curashadii jacaylkaay

Exit mobile version