VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta googaa cigale mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Hassan A Samatar
googaa cigale

googaa googaa
cigale cigale

hadaad geed beer ka beerto
garaaciy gudin aad u diido
guyaal badan aad sugayso
haduu goooni isu taago
haduu guudka midho ku yeesho
adoo gurashada u baahan
laamaha gacantaadu gaadho
hadaad goosan kari waydo
malabka guudkiisa saaran
indhaha gacaltooyadooda
naftii gocoshadu ku raagtay
galada ma ku sabi kartaa

ma garan sheekadaa gunta leh
ha iisoo guuudmarinee
maaha maaha waa laga gudbee
hadaad geedi meel u tahay
hadaad u gol leedahay xaajo
intaan gaadhigu dhaqaaqin
meel baan yara gaadhi laa
hasoo gaamgaabine
ka saar salka seefta uga saar
goob joogba haloo noqdee
u sheeg guurtida kalena
gorfaynta hala wada maqlee

hadalku geeeska mararee
warkuba wuu gaabanyee
xisaabta u gee ka goo
ayaa dib ugurasho leh
nimaan daaqsin geel u marin
nin garashabaa labaa yidhi
su,aashii hore ka gudub
gurgurka qansada ku noqo
gashaantimo waa nahay
gayaankayana waa tihiin
rabaa isku keen galaday
guudkaanu idiin fidhaynay
guur iyo balan baan lahayn
jacaylkiiba godladay
wakhtigu waa garab caraw
geeriyo geed baa jire
geesuunbaa loo dhacaa
galbika idinkaa hayee
goormaan wada aqal galnaa

gabdhooow waa yeelkadiin
garaad dumar baad sidaan
guyaal sheekadii jirtee
dunidu waa galinba cayn
hadhkaa labadiisa galin
ilbuxu wuu gaadhayaa
markaad geel dhaqatidbaa
gaawaha loosoo xushaa
gacmaha yay idiinku jira
goormaa laga tagay warkaa
cishqigii wuu gaagaxoo
guurkii waa laga noqdee
ka gooya caloosha taa
gayaanku wa badan yahoo
gayiga rag u doonta oo
ha goconina wacad horee
go,aankaa dambuun ka raac
ma qasabaa goobta yaal
guudhbaay jaaw gacalayaal
geestaan doontaanba u qaata oo
gamuuran gam o gayaxan

codkii Hassan A Samatar