VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Guuleed ma joogaa - Lyrics

Xalay gelin dhexaadkii Mar aan mayrac guuraha Sheedda guriga faallaley Oon himilo gaariyo Dayaxoon galsho lahayn Illayskiisa galalacy Sida goonni daaq cawl Gaaf meeray socodkii Oon guudka laaniyo Millilicay gob weynoo Midba goonni laamaha Rucub midha guduuttiyo Gad gaddoonka raamuhu Dhexda geri garaaraha Hadba gees u liicaan Oon weli gar eexaad Lagu niqin guntiisoo Gudin nabar u yeeshiyo Gacan cadow ku dhicinoo Oon halaq galeen iyo Inna godad lahaynoo Gardhadiyo caleemaha Aanay haaddu goyn karin Oon xididka gaarrani Dayrtoo gidaaddiyo Gu’la waayey aragoo Gunta rayska kula jira Oo hoos galbeedkiyo Hadhka gelinku bixiyaa Neecaw gaar ah leeyiin Oo meel gabboodiyo Saba guri ku yaalloo Leexa is galaashiyo Ufta garannug kiciyiyo Dabaylaha gilgilayaa Marna aanay goyn karin Kalgacayl i galay iyo Gocashada xasuustiyo Haybaddayda gudubtoo Naxariis indhuhu godol Baalashii is geliyeen Ayaa gadafka muuqaa Geed iiga dhigayee Illeyn araggu waa gabar Mase garanayee talo! Guurti yaa mari laa? Goob xarashada yaa Isagoon gilgila sugin Garta keligii niqi laa? Naftu gogo tiraabtee Googaala badanaa Gudbi weydey socodkee Ma god baa horteeda ah? Inan laba mid soo galo Sow ilama gudboonaan Geesi waaya aragii Danti kama guddoomee Sow ardaaga gurigeed Gaashaanka maan dhigan Sow ereya googo’an Gooli baadh kumaan oran Guuleed ma joogaa? Guntanaha sarbeebta ah Sow maanay garanoo Kaftan dhiirri geliniyo Googaa ma oranoo Sheekadii igama gurin Oo gudasho xeer iyo Gaari camalladeedii Gogol iima soo dhigin Haasaawe guud oo Gardaadsaday jacayl iyo Sow barasha gaaroo Aannu libin ka gaarnaa Goobtaa kamuu dhalan Laxawgaaa guntamey iyo Badhaxaa kasoo go’ay Qalbigii gudhnaayee Irmaanaaday galabtaa Gacma furan dhankaygee Daallo geedeheedii Gani aan ka guray iyo Guntimooyin ubaxoo Xariir lagu ganeeyaan Kuu geliyey qoortee Deeq gacal ah weeyee Gobaad waxaad ku geysaa Boholyow aan qof ii gelin Geddii aan ku noolaa Giijiyoo xishoodkana Addiguna garaad badaneey Maanku kaama guuree Murti aan la goohiyo Gunno weeye keligaa Gabdho aad ka mudatee Geestaydan caashaqa Ga GODLADEY ha gaagixineey Ka godladey ha gaagixin
Queue is empty
-- / --