VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Guuleed ma joogaa mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Hassan A Samatar
Guuleed ma joogaa

Xalay gelin dhexaadkii
Mar aan mayrac guuraha
Sheedda guriga faallaley
Oon himilo gaariyo
Dayaxoon galsho lahayn
Illayskiisa galalacy
Sida goonni daaq cawl
Gaaf meeray socodkii
Oon guudka laaniyo
Millilicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub midha guduuttiyo
Gad gaddoonka raamuhu
Dhexda geri garaaraha
Hadba gees u liicaan
Oon weli gar eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Oon halaq galeen iyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu goyn karin
Oon xididka gaarrani
Dayrtoo gidaaddiyo
Gu’la waayey aragoo
Gunta rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Hadhka gelinku bixiyaa
Neecaw gaar ah leeyiin
Oo meel gabboodiyo
Saba guri ku yaalloo
Leexa is galaashiyo
Ufta garannug kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin
Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuustiyo
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqaa
Geed iiga dhigayee
Illeyn araggu waa gabar
Mase garanayee talo!
Guurti yaa mari laa?
Goob xarashada yaa
Isagoon gilgila sugin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogo tiraabtee
Googaala badanaa
Gudbi weydey socodkee
Ma god baa horteeda ah?
Inan laba mid soo galo
Sow ilama gudboonaan
Geesi waaya aragii
Danti kama guddoomee
Sow ardaaga gurigeed
Gaashaanka maan dhigan
Sow ereya googo’an
Gooli baadh kumaan oran
Guuleed ma joogaa?
Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiirri geliniyo
Googaa ma oranoo
Sheekadii igama gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol iima soo dhigin
Haasaawe guud oo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aannu libin ka gaarnaa
Goobtaa kamuu dhalan
Laxawgaaa guntamey iyo
Badhaxaa kasoo go’ay
Qalbigii gudhnaayee
Irmaanaaday galabtaa
Gacma furan dhankaygee
Daallo geedeheedii
Gani aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu ganeeyaan
Kuu geliyey qoortee
Deeq gacal ah weeyee
Gobaad waxaad ku geysaa
Boholyow aan qof ii gelin
Geddii aan ku noolaa
Giijiyoo xishoodkana
Addiguna garaad badaneey
Maanku kaama guuree
Murti aan la goohiyo
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ga GODLADEY ha gaagixineey
Ka godladey ha gaagixin

codkii Hassan A Samatar