Ma hal baan lalabayaa
Ma libbaan hiigdanaayaa
Ma luggooyadiisiyo
Jacayl baan la liitaa
Ma leebbaan cirka uganay

Malaftaan kabayaa
Ma luddaan jarayaa
Sida loolan dirireee

Ma lammaanahaygiyoo
Lexaadkaan ku ciidmaa
Ma lil caashaqbaan galayee

Layligu biyuhuu daadiyaa
Lahashadu jar beey kaa riddaa
Liibaantuu waa ma is afgarannaa
Ligliggaan jacaylkii hayaa

Liddimo adeey kula hartaa
Lillaahidu jidbeey kugu riddaa
Liibaantu waa ma is afgarannaa
Laabtuu kalgacalkii harsaday

Ma lixbaan la diriraa
Ma labaan ka cararaa
Ma lishaanka dheer baan
Looliga dulsaaraa
Kalgacayl mallaasimay

Ma luxbaan ku daabacay
Qalbigaygu lahashada
Xiisaha laadaabtaleh ciil

Ma leexada abaartiyoo
Laxoow baan la liitaa
Miyaa la igu weyn yahay

Liddimo adeey kula hartaa
Lillaahidu jidbeey kugu riddaa
Liibaantu waa ma is afgarannaa
Laabtuu kalgacalkii harsaday

Layligu biyuhuu daadiyaa
Lahashadu jar beey kaa riddaa
Liibaantuu waa ma is afgarannaa
Ligliggaan jacaylkii hayaa

Exit mobile version