Waa qalanjo yaablow
qurux iyo Illaahbaa u dhammeeyey
qaayaha illayn way qarsoonayd

Dhab markaan u eegay
qac indhaha ku siiyaan
qumbadaa jacaylkii

Alle igama qaadaan
qalbi nuura ii daa

Qaabkii Suleekhaa
siduu Eebbe kuu qoray
uu kuu qotamiyaa caashaqa ka qaro weyn

Kor markaan u eegay
qac indhaha ku siiyaa
kalgacayl i qariyaa

Alle igama qaadaan
Qalbi nuura ii daa

Lyrics by : Hanad

Exit mobile version