waku haba yaraadee
hugunku ha dhamaadee
waxaad ku hindisootiyo
gartu hadimo weeyee
hadaad hoos u eegtana
kalaa haaba weeyee
reerkiinan hodankaa
ma heshiin karaynaa
hadalku hayaraadee
hugunku haba dhamaadee
hoodiyo barwaaqaba
waa guur hagaagee
waxaad ku haminaysana
waa heli karaynaa
hoog iyo dhibaatada
waa kala harkeenee
hadalku ha yaraadee
hugunku ha dhamaadee
horta howsha ila qabo
waan heshiin karaynaa
haween waa qiyaamo
lays kumaa haleeyee
wahad iyo o laayaa
halbowlaha ku goyee
hadhow waxan kabaqaya
hodadaamadiinee
waan hubaa rago idil
adaan kuu hanwayne
habeen iyo dharaarba
kuu soo hiloobaa
jana haqaba la aaned
baan kuu horkacayaa

Exit mobile version