VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soo hor caashaqa - Lyrics

Nafteyda waan kuu huri lahaa hantina kaabixinlahaa hagar kuuma quureen halistaad igoysiyo halkaad igaga taalee, hawaa dhalisa caashaquye hiyigu raacid baa keenta geeridayee kuhortimaad Raga iyo Haweenkuba midna heybad mayeesheen kan kaloon laheynine. Hadhow bey oran leyma heesin leylama hadline doob hurdaa iheley Hoobeeyooy soo hor caashaqa aan hashiinee Dhankeyga waan kaa hanan lahaa Haweyn uroon kuu noqon lahaa hawa guur ma diideen hada huro dhankaagoo hadaad hagar baxeysee Habeen kaliya caashaqa ma hir galo haye kuma fulaayee horta baro Raga iyo Haweenkuba waxey heybad ku yeeshaan habsamaanta guurkood Meel aan la hubin oo horteed wadin looma haadshe wey hawiranta hoobeeyooy soo hor caashaqa yuu habaabinee Jaceylka waan kula habeyn lahaa hiilna kula noqon laha howl kuguma dhaafeen adigo haraad qaba habeen kama seexdeen Hama keenta caashaqayee halacsiga hub baa keenta hibashadaayee nabar horeey Raga iyo Haweenkuba midna heybad mayeesheen kan kaloon laheynine. Hadhow bey oran leyma heesin leylama hadline doob hurdaa iheley Hoobeeyooy soo hor caashaqa aan hashiinee Howd gadalaa lagu soo hirtaa hareer doog lahaa la harsadaa haradoo biyowdaa dadku ka haqab beelaa kaliil geeshu hayaantee Horaa jar uga tuurteen habloo ugu hodeen hadimiyo lugooyaad badaan kaga hadhaann Raga iyo Haweenkuba waxey heybad ku yeeshaan habsamaanta guurkood Meel aan la hubin oo horteed wadin looma haadshe wey hawiranta hoobeeyooy soo hor caashaqa yuu habaabinee
Queue is empty
-- / --