VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Soo hor caashaqa mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Hassan A Samatar
Soo hor caashaqa

Nafteyda waan kuu huri lahaa
hantina kaabixinlahaa
hagar kuuma quureen
halistaad igoysiyo
halkaad igaga taalee,
hawaa dhalisa caashaquye
hiyigu raacid baa keenta geeridayee
kuhortimaad

Raga iyo Haweenkuba
midna heybad mayeesheen
kan kaloon laheynine.

Hadhow bey oran leyma heesin
leylama hadline doob hurdaa iheley
Hoobeeyooy soo hor caashaqa aan hashiinee

Dhankeyga waan kaa hanan lahaa
Haweyn uroon kuu noqon lahaa
hawa guur ma diideen
hada huro dhankaagoo
hadaad hagar baxeysee

Habeen kaliya caashaqa ma hir galo
haye kuma fulaayee
horta baro

Raga iyo Haweenkuba
waxey heybad ku yeeshaan
habsamaanta guurkood

Meel aan la hubin
oo horteed wadin
looma haadshe
wey hawiranta
hoobeeyooy soo hor caashaqa yuu habaabinee

Jaceylka waan kula habeyn lahaa
hiilna kula noqon laha
howl kuguma dhaafeen
adigo haraad qaba
habeen kama seexdeen

Hama keenta caashaqayee halacsiga
hub baa keenta hibashadaayee
nabar horeey

Raga iyo Haweenkuba
midna heybad mayeesheen
kan kaloon laheynine.

Hadhow bey oran leyma heesin
leylama hadline doob hurdaa iheley
Hoobeeyooy soo hor caashaqa aan hashiinee

Howd gadalaa lagu soo hirtaa
hareer doog lahaa la harsadaa
haradoo biyowdaa dadku ka haqab beelaa
kaliil geeshu hayaantee

Horaa jar uga tuurteen habloo ugu hodeen
hadimiyo lugooyaad badaan kaga hadhaann

Raga iyo Haweenkuba
waxey heybad ku yeeshaan
habsamaanta guurkood

Meel aan la hubin
oo horteed wadin
looma haadshe
wey hawiranta
hoobeeyooy soo hor caashaqa yuu habaabinee

codkii Hassan A Samatar, Khadiija Qalanjo