codka fududee weeraha
shaqalada culayska
helo yeelka caanka ah

laamanaha is celiyiyo
cayn magac falkaab
iyo abyanaha ku cirib kara

tilmaamuhu curdoona
carabkana u fududaa
ku cel celi akhriga
yaa naxwuhu kuso celin
waa cudur jahligu jaale
aan cidhib tirno jaale
adina qalinka buuga kula carar
caa cee cii coo cuu

shalaybaan cilmilahaa
maantana caalimbaan ahay
nasiib badanaa

caqli gaab hamsuhu wali
halku codadka kaga jiro
uma aanay cadaane
waa calaamad laba shaqal
kala celisa baaqoo
carabkaa tilmaamo

waa tusaale caynkanuye
dadkii kaa carawyee
ku cel celi akhriska
cidi yaanay kaa badin

Exit mobile version