Ruuxaad Ka dhawrtaan
naxariista dhamiyee
indhahaagu dhudiyayee
dhugashada ku roonaaa

dhexdu Taaka iyo Laba
dheraadka Diidee
hadii La Isku Dhaarsado
ma La dhaafin Karayaa ~ ~

Dhawr Sano Iyo Shiibaa
ka Dhawrsaday Haweenkoo
jacayl Kooda Dhumiyoo
dhaqashada Ka Doortee…2X

uma Dhiganin Caashaqa
inaan Soo Dhaweyee…2X

xayaadey Dhibaatada
adigay Igu Dhaliyee…2X

Dhabanyadaada Xaada Lehe Howa

dheehiyo Labeenta Lehe Howaa

sumayaasha Dhinacyadee Howaa

geesaha U Dhaadhacayee Howaa

sida Dhayda Caanaha
indhahaaga Dhuunka Ah..2X

Timahaaga Dheereee
dhufashada Dabayluhu
hadba Dhinac U Rogayaan…1X

dhameelka Hawdiyo
hadad Tahay Hunguri Dhubuq..2X

dhuuntaan Ku Marin Laa…4X

BOGGA LABAAD

Karan Dhabadka Jilaal
dhulkoo Dhamac Ku Yuurura
dhibicdii U Hoorttee
dhoobada Ka Meedhaa…2X

quruxdiisa Geel Dhalay
iyo Dhaqanka Xoolaha…2X

dharaar Wacan Sidaadtay
dhugashaad Ku Roontee…2X

Dhilawyahanka Geedaha Ee Howaa

dhirta Loogu Daw Galayee Howaa

igu Dhereri Caashaqayee Howaa

dhexda Igu Kaa Marayee Howaa

bal Waxaa Ku Dhaafsado
dhuunigu Ma Helayaa…2X

Timahaaga Dheereee
dhufashada Dabayluhu
hadba Dhinac U Rogayaan…1X

dhameelka Hawdiyo
hadad Tahay Hunguri Dhubuq….2X

dhuuntaan Ku Marin Laa….4X )))

Lyric By Dayran omar

Exit mobile version