hayaay soomalay kacaay dalkii halisbuu galee
duul haraad qabaa yimid waxba aan hanbaynayn
barigii la kalehee baadkii waa la iibsadee
cadawgeen u hibeeyeen kacaay
guumaystihii hore u jiray duul uu hogaamiyo
halna aan ka diidayn ayaa talada noo haya
hantidii dadwaynaha hal xisbaa isku kooboo
hebelay u dhiibteen dinadaha u dhoofsadeen
afkii hooyadeen iyo suugaantiibay hoos galsheen
hidihiyo dhaqankii hog dheerbay ku rideen
hebad iyo karaamadii sharaftiyo habsamidiyo
samaantiyo hufnaantiyo hadafkeenii waa lumay
hobeey cadlibaa horu mar dhaloo nabad kuu
horseedoo midnimada u gaaroo maantana
ma haysaan hala raadsho shacabkow

Exit mobile version