Maxaa qurbo duul
Ku lumay
Maxaa ku hungoobay
Qaar
Maxaa ruux qiimo loo
Qaayo wayn lahaa bari
Ku qayirmay dhul gaalaad
Qurbe nolosha taal ee
Qaxar iyo dhibaato le
Qoomamadu sadkeed tahay
Inta quus ka joogtee
Samir qaadan waydee
Xeebaha qalaad
Sii Qabatintaa badan
Maxaa qurbo ruux ku jabay
Hawshiyo dhibtuu qabo
Maxay dantu qaado tidhi
Maxaa marwo qaayo loo
In la qabo mudnayd
Ku qasaartay guurkii
Ragna nolosha qaarbaa
Ka qancoo rajaba dhigay
Markay u qubeen dhashii

Exit mobile version