Nimuu dhabarku jaban yahay
dhaq dhaqaaqi maaye
sidan dhawr habeen qaday
dhafooradu i jiitee
waa dhaawacaagii
waxanaan la dhubtee
markii aan ku dhawraba
dhibaa ii kordheysee

Hibo Nuura

Markii hore dhitiyo subag
dhay baan filaayee
dhiil madhan adoo sida
dhabta iga tuurtee
dharab orodka xoolaha
dhurwaagaa ku laayee
ani dhedo iyo ceeryaan
hay odhan ka dhaansee
dhalanteedku waa midaan
iga dhaadhacayne

Xasan Diiriye

Ninkii dhiiranaan jiray
wakhtigaa dhantaaloo
dhaxaan itaalkay
amba dhaban adeegoo
dhudhun iyo lixaadkii
wax ku dheefi waayee
hagar kuguma dhaafine
dhadhaab bau i horyaalee

Hibo Nuura

Aqal dhinac banaan yahay
dhaxan kaama celiyee
dharaartii aan baahnaa
igu dhege adeygtee
dhuub kaa koley tahay
kama helin dhaqaalee
waadigii i dhigay meel
dhamac iyo abaaroo
dhalanteedku waa midaan
iga dhaadhacayne

Xasan Diiriye

Sidii dheeha geeloo
dhamaal hawdka daaqdoo
danihii bulaaliyo
dhobaale joogtaa
ama tahay dhir canabaad
dhaayaha u roontee
wali waan dhursugayaa
inaan wada dhamaynee

Hibo Nuura

Ninkii dhuumanaayee
dhabarkiisu muuqdee
dhakhso loo ogaadaa
sidiisi ka dhigantoo
hadalka dhan saarka ah
kaa dhageysan maayee
hadii ay dhab kaa tahay
dhaar may ii maraysaa
mise kala dhaqaanaye
sidaasaan ku dhaafnaa..
waxaa kuu diyaariyey

Exit mobile version