Dunnidoo dhan taan ka ag da’anaayay
Middaan aawadeed u ildarnaayeey!
Ma ogtahay inaan kuu ambaday adiga!
Ma ogtahay dartaa inaan ugaaroobay?

Heedhe ina abti abaayo
Addooy huunoo!
Ha irdhoobinoo umal ha qaadin
Amba kuma illaawinee i aamin
Axdi baa inoo xirane aamus;

Oogadiyo adhaxdii jidhkaygaay,
Aqligiyo aqoontii naftaydaay!
Ma ogtahay markuu uurku ku xasuusto
Ma ogtahay in lay kaa ag keenaayo

Heedhe ina abti abbaayo
Addooy huunnooy!
Kuu imide waykane ha ooyin
Iimaanka deeq ha ilmaynin
Amba kula mid baan ahaye aamu.

Exit mobile version