kalsooni ayaa jacayl korisee
nafta ayadaad ku tahay kaliyee

kuniyo kow jeer adaan ku taboo
adaan ku jecelahay kaliyo laabo
kashkiyo maankaa ku weheshada ee

kulayka ayaa karkaba dhaliyee
kurbada i laba kaclaynaysiyo
adaa iga keenay kohoshada oo
ku xidhay maankayga kenaada ee

anoo ku helaan kifaaxi lahaa
adi ku hantaan kifaaxi lahaaye
hoy kula dagaan kifaaxi lahaaye
kaltuuneey RABI ha isu keen simo

kowdii u horaysayeen ku arkaa
qalbiga kalgacayl ku kaydsamayee

haday kaftaniyo cayaar kula tahay
kaaf iyo kala dheeri weeyaane
ka go'ay awgaa hablaha kacay

qalbiga kugu kooban waad kasbato
kartuu RABI kuugu daray quruxuu
kolama naftu kaama kaaftoontee
cishqiga koolkooli ila koriyee

Exit mobile version