Miyirkayga maqsudisoy
Adigaan kaa maarmine

Mar walbana ii imoow
Mehaan iga soo maree
Hana iiga maqnaninee

Ani meel kale ma
Maagayee hana iiga
Malaynine mid adoo
Kale maan helaa malab
Iiga macan badnay

Ma hurdaayi minaad
Markoo hadalka iga
Qaadidee

Murug iyo mashaqaan
Maraa sidii laba miirihii
Waa la igu maad sahaa

Ani meel kale ma
Maagayee hana iiga
Malaynine mid adoo
Kale maan helaa malab
Iiga macan badnay

Miyirkayga maqsudisoy
Adigaan kaa maarmine

Mar walbana ii imoow
Mehaan iga soo maree
Hana iiga maqnaninee

Ani meel kale ma
Maagayee hana iiga
Malaynine mid adoo
Kale maan helaa malab
Iiga macan badnay

Exit mobile version