Ku doortee dadweynihii
Dareenkoodii cabire
Codkoodii kuugu deeqe
Duceeyoo kuugu daye
2x
Dadkiyo danta guud difaca
Dad iyo duunyaba daryeela
Dastuurki daacad soorta
Adaa darajiyo xil qaadoo
Intuba umadaada tahay
2x
Dardaarana waa dawee
Digniin han kuugu daro
Si aan dambi kuugu iman
Ha diran damac damiir xumo
Ka durug damaniyo danayste
2x
Ku dayo diintiyo kitaabka
Daliiilka ilahay raaco
Ku dood waligaaba diinta
2x
Daraataba may darnayne
Dagani nabad waala haystay
Dirayka hadad u xidhatay
Dorkaagana hanu eegno
2x
Dadkiyo danta guud difaca
Dad iyo duunyaba daryeela
Dastuurki daacad soorta
Adaa darajiyo xil qaadoo
Intuba umadaada tahay
2x
Dardaarana waa dawee
Digniin han kuugu daro
Si aan dambi kuugu iman
Ha diran damac damiir xumo
Ka durug damaniyo danayste
2x
Ku dayo diintiyo kitaabka
Daliiilka ilahay raaco
Ku dood waligaaba diinta
2x
Dadkeenu ma daalayaan
Waxay ku dadaalayaan
Diwaanka inay galaan
Dunida la dabaal dagaan
2x
Dadkiyo danta guud difaca
Dad iyo duunyaba daryeela
Dastuurki daacad soorta
Adaa darajiyo xil qaadoo
Intuba umadaada tahay
2x
Dardaarana waa dawee
Digniin han kuugu daro
Si aan dambi kuugu iman
Ha diran damac damiir xumo
Ka durug damaniyo danayste
2x
Ku dayo diintiyo kitaabka
Daliiilka ilahay raaco
Ku dood waligaaba diinta
2x

Exit mobile version