Waqtiyada socdaalka ah
Ayaamaha silsidda ah
Xilliyada bal suuree
Soojire haddaad tahay
Sadarrada dib ugu noqo
SOOMAALI WAA KUMA?

Sinnaantaan la magac ahay
Sanku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarrayn karo
Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo
SOOMAALI BAAN AHAY

Ninna madax-salaax iyo
Kama yeelo seetada
Sasabada ma qaayibo
Sirta waxaan iraahdaa
Saab aan biyaha cellin
Somali
SOOMAALI BAAN AHAY

Inkastoon sabool ahay
Haddana waan sarriigtaa
Sacabada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadawgayga lama simo
SOOMAALI BAAN AHAY

Socdaalkaygu waa meel
Sahaydaydu waa dacar
Soohdintaydu waa caan
Seeftaydu waa cudur
Naftuna geedka iga suran
SOOMAALI BAAN AHAY

Nin i sigay ma nabad galo
Nin i sugayna maba jiro
Libta weli ma sii dayn
Gardarrada ma saacido
Nin xaqlana cid lama simo
SOOMAALI BAAN AHAY

Nabaddaan u sahanshaa
Colaaddaan ka selelaa
Sooma jeesto goobaha
Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo
SOOMAALI BAAN AHAY

Dabayshaan la socod ahay
Salfudeydna uma kaco
Waabay sunaan ahay
Marna samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa
Soomaali baan ahay

Ninkaan taydu soli karin
Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed
Sandulaynta ma ogoli
Ninna kabaha uma sido
SOOMAALI BAAN AHAY

Ninka iga sed roonow
Siintaada magaca leh
Ogow kaama sugayee
Hana oran “sasabo bedow”
Dareen seexda ma lihiye
SOOMAALI BAAN AHAY

Saan la kala jaraan ahay
Summadi ay ku wada taal
Rag baa beri i saanyaday
Anoo xoolo soofsada
Xil midnimo anaa sida

somali baan ahay

Exit mobile version