naftaydan idhi ha daalin
dantaada ka raac jacaylka
durtaba dabacdoo u liicday

hamiga dibindaabyadiisa
wataa la dayowday caashaqa
dareenbaa wada hagaaya
damiirkeedu haleelay
talana ma diidoo ma yeesho

intaa dawanbaa ii baxaaya
jacaylka dirkuusu leeyahay
doogtiisiibaa i haysa
naftaydana door ku yeelay

naftaydan idhi ha diidin
dadkana taladooda qaado
durtaba diidoo ka booday

hawada daranee jacaylka
wataa dacarteedi hayso
dadnimada igu qasbaysa
qalbigu damqayee haleelay
dabina iga raaci maayo

Exit mobile version