dhulka oo hogan goysa oo jiilaal ku habsiiyay
sidiiyaa taaheegu oo dushiisa ku hoortay
ayaad hanka deeqday
beeshoo u hayaantay tigaad guban hoose
tuskii helay saaray sida ay u hamuumto
ayaan kuu hibaystay

runtii hamigayga hamigayga hilaadi gubaysay
runtii anba heedhe naftii habranaysay
dookhu hibinaayo xurmadu hanaysay
hamuuntii bogayga hadaad ka dawaysay

dhirta oo hoganaysa oo caleentu hadhaysay
sidii aadd tahay hoobaan oo dushooda ka hawrtay
ayaan ku haywaystay
sidii hogol roobko halkan dhulka joogay ku good haqab sooray
sida ay ii hadhaysay ayaan kuu habsiiyay gacaliye

Exit mobile version