naftoo hal abuur qoraysa
hamiga kalgacayl isaaqay
halbawlaha saw ma yaalo
hubaal ragba kaan ka doortay
anoo hawlaha dhisaayuu
jacayl heryada i saartay
habeenkiiyo maalintii
miyuu hadalkiiba goostay
anoo heegada la moodo
hawenka qurxon la fayla
walaal hungo joogi maayee
heshiiskii adaa ka baydhay

hayaanka dareenku raacay
hilaacu markuu i qaaday
hir doogle anoo filaayay
hawada dhalintaan ogaaday
anoo guusha hiigsanayo
hantaaqada igu aburto
intaad hoga ii qorayso
anaa hawshaada koobay
anoo heegada la moodo
hawenka qurxon la fayla
walaal hungo joogi maayee
heshiiskii adaa ka baydhay

Exit mobile version