Afriki waa dhulkaygii Waan ku dhashay
Afriki waa dhulkaygii Waan ku dhaqan
Afriki waa dhulkaygii Waan ku dhiman
Afriki waa dhulkaygii Waan ku dhaadanayaa
Dhabaan u jecelahoo Dhaliil uma ogali

Afrika dharab lagama waayine
Afriki Dhul barwaaqo weeyaan
Dhuuniyo dheemanbaa ka buuxoo
Colaadu markay dhamaatana
Dhulkaygii waan ku noqon
2x
Meel aan eedaan ka dhawaaqin kumaanan dhalan
Meel ay xaasku kala dhaqmaan kumaanan dhalan
Meel aan waalid la dhagaysan kumaanan dhalan
Meel barafku igu dhaco kumaanan dhalan

Geeska afriki waa dhulkaygii dhexda waan uu yaal
Geeska afriki waa dhulkaygaa dhexi ku koree
Geeska afriki waa dhulkaygaa ku dhabiib siday
Geeska afriki waa dhulkaygii waan ku dhaadanayaa
Dhabaan u jecelahoo Dhaliil uma ogali

Exit mobile version