Dayax la moodyoow adaan ku doortoon
dadkaa dhamaanti kaa day dayaayee
danteydii awgaa u daayacee
naftani daashee hurdaba diidee aaaahhhh
soo jeed ka doontay, diigoo ciyaayaa
dalkii jibootee aahhh, cadceeda dayday
iney is disho aahhh, ama is dooxdoo
doodeed ahaatay
daawee naftaydan daashee haraadoo
damqo jaceylkan ha igu daawan.

Diigoo ciyaaya ku daydayaa oo
du jiiray awgaa dibad galoobee
da’da adun baan ka doontey deeqoow
naftan i faltay jaceyl daraadii aaahhh
la tiiran weyday, dalkeedi hugmee
damiir isa saartee, ka damqan weyday
doonta ku boodee, bada isku tuurtee
dabaalan weydee
daawee naftaydan daashee haraadoo
damqo jaceylkan ha igu daawan.

Exit mobile version