VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hadmaad Gacalle - Lyrics

Gayigoo barwaaqa garoo dhir roob helay meel xareedu galac tahoo jeex iyo gegelimaa Oo geedihii baxay farakhii is gaadhayoo cidina aaney kala garan gomosha iyo ciirtaa Waxan kaa dhex goobaa goonayaha nuugaleed beeraha uguubeed gabal dhac iyo waaberi kaa daba gucleeyoo waa ii gaar dhibaate hadmaad gacale soo noqon Gurya samoo haleel guban loogu sahan tagay oo yamaruug gaxashiyo madheedh daaqay geelii Oo goosha naaxdiyo aaranku is garbinayaanoo cidina aanay kala garan galoofka iyo irmaankaa Waxan kaa dhex goobaa ceel godanta sabaniyo gabiyada bulaalee gabal dhac iyo waaberi kaa daba gucleeyoo waa ii gaar dhibaate hadmaad gacale soo noqon Guulaamo rooboo aan la garan xili uu da'ay oo helay galbeedoo leyl dhexe gal duur miray Oo marada guudkii geeydhuhu hadheeyayoo dhirta gacaladeedii xiisa gaara leedahay Waxan kaa dhex goobaa keymaha gadh loo gubay gosob iyo mareer leh gabal dhac iyo waaberi kaa daba gucleeyoo waa ii gaar dhibaate hadmaad gacale soo noqon
Queue is empty
-- / --