VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hadmaad Gacalle mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Hibo Nuura
Hadmaad Gacalle

Gayigoo barwaaqa
garoo dhir roob helay
meel xareedu galac tahoo
jeex iyo gegelimaa

Oo geedihii baxay
farakhii is gaadhayoo
cidina aaney kala garan
gomosha iyo ciirtaa

Waxan kaa dhex goobaa
goonayaha nuugaleed
beeraha uguubeed
gabal dhac iyo waaberi
kaa daba gucleeyoo
waa ii gaar dhibaate
hadmaad gacale soo noqon

Gurya samoo haleel
guban loogu sahan tagay
oo yamaruug gaxashiyo
madheedh daaqay geelii

Oo goosha naaxdiyo
aaranku is garbinayaanoo
cidina aanay kala garan
galoofka iyo irmaankaa

Waxan kaa dhex goobaa
ceel godanta sabaniyo
gabiyada bulaalee
gabal dhac iyo waaberi
kaa daba gucleeyoo
waa ii gaar dhibaate
hadmaad gacale soo noqon

Guulaamo rooboo aan
la garan xili uu da’ay
oo helay galbeedoo
leyl dhexe gal duur miray

Oo marada guudkii
geeydhuhu hadheeyayoo
dhirta gacaladeedii
xiisa gaara leedahay

Waxan kaa dhex goobaa
keymaha gadh loo gubay
gosob iyo mareer leh
gabal dhac iyo waaberi
kaa daba gucleeyoo
waa ii gaar dhibaate
hadmaad gacale soo noqon

codkii Hibo Nuura