doonayaha badweynta
ku banjara dhaxdoodaba
laydhaha baraad li'i
intay soo bir biriyaan
ama soobac dhabiyaa
baalaha ka riixaan
bariyada u saareen
waligaa hadba daydha
ama balad kale qabo
waad imaan bartii iyo
baradii hargaysiyo
halkii aynu barigii
ku wadaagnay barashe
waad imaan bartii iyo
baradii jacaylkiyo
halkii aynu barigii
ku wadaagnay barashe
ma ogtahay isbarashada
dadka markuu barbaar yahay
baryo haday ismoog yihiin
barqo laysku soobaxo
laba way isku boodaa
labo way isku baydhaa
ayaamada bideysaa
xidigaha bidhaamee
daba dhimaamaa
hadaanu dayaxusoo bixin
adgoon ku raacaa
adna baahidaadii
tamartii boqaygiyo
wayku jeel barteedii
badiyo banaanba
ama buuro dhaadheer

Exit mobile version