Innagoo lamaano ah
Iyo laba naf qaybsi leh
talo geed ku laashee
Adigaa is lumiyoo
Isu loogay cadawgoo,
Libintaada siiyee,
Waadiganse liitee,
Leexadu ku sidatee,
Hadba laan cuskanayee,

Liibaanteeda aduunyada
Ruuxna laasan maayee.
Maxaa luray naftaadii.

Waa laac Aduunyadu
Labadii Walaalo ah
Midba maalin ladayahoo
Ruuxii u liil Galay
Lama loolo dharagoo
Lugooyaba mageystee
Waa adigasan laabtiyo
Lugaha isla waayee
Meel sare lalmanayee

Liibaanteeda aduunyada
Ruuxna laasan maayee.
Maxaa lulay naftaadii

Adiguba laf iyo jiidh
Waadigii idlaadee
liqiwaayey oontee
Adiga liscaanood
iyo Laas xareediyo
Laydh iyo hadh diidee.
Waadiganse sidii liig
Laasimay ugaadhee
Waaqlada u leexdee

Liibaanteeda aduunyada
Ruuxna laasan maayee.
Maxaa lulay naftaadii.

Dhaaxaad ladnaan Rays
Sidaad aar libaax tahay
Talaabada ladhaysoo
Anna lahashadaadiyo
Ladiwaayey jiifoo
Liidnimo i-raacdee
Lalabaha habeenkiyo
Ma libdhaan jacaylku
Ruux uu laba dibleeyaa.

Liibaanteeda aduunyada
Ruuxna laasan maayee.
Maxaa lulay naftaadii

Innagoo lamaano ah
Iyo laba naf qaybsi leh
talo geed ku laashee
Adigaa is lumiyoo
Isu loogay cadawgoo,
Libintaada siiyee,
Waadiganse liitee,
Leexadu ku sidatee,
Hadba laan cuskanayee,

Liibaanteeda aduunyada
Ruuxna laasan maayee.
Maxaa lulay naftaadii

Exit mobile version