Qandhadu igamay horayn
Qiyaastii caashaqaagee
Qacdii aan kula kulmayba
Qumaatiba la ii wareer
La ii wareeye qumaatina la ii wareer

Qandhadu igamay horayn
Qiyaastii caashaqaagee
Qacdii aan kula kulmayba
Qumaatiba la ii wareer
La ii wareeye qumaatina la ii wareer

Bal qabso caashaqa aan qabo
Qalbiga meeshaad ku taal
Haday qaaraduhu ogyihiin
Quruumaha loo bandhigo
Waxbaa laga qori lahaayo
Qiso iyo ma hadhooyin reeboo
Dadka waxa ku qaadan lahaa

Bal qabso caashaqa aan qabo
Qalbiga meeshaad ku taal
Haday qaaraduhu ogyihiin
Quruumaha loo bandhigo
Waxbaa laga qori lahaayo
Qiso iyo ma hadhooyin reeboo
Dadka waxa ku qaadan lahaa

Qoraxdu waxay soo baxdaa
Anoo qaadaa dhigaayaa
Naftayda naftayda naftaydan
Naftayda naftayda naftaydan
Kuu qaracan
Qaabkaan kuugu sheegi lahaa
Waliba kugu qeexi lahaayee
Qaabkaan kuugu sheegi lahaa

Qoraxdu waxay soo baxdaa
Anoo qaadaa dhigaayaa
Naftayda naftayda naftaydan
Naftayda naftayda naftaydan
Kuu qaracan
Qaabkaan kuugu sheegi lahaa
Waliba kugu qeexi lahaayeey
Qaabkaan kuugu sheegi lahaa

Qushuucdii aad igula hadasheen
Ku qoray boga qaaliga ahiyo
Quruxdaadiibaa i qaadoo
Qumbacashada iigu wacan
Iigu wacanee
Qumbacashada iigu wacan

Qushuucdii aad igula hadasheen
Ku qoray boga qaaliga ahiyo
Quruxdaadiibaa i qaadoo
Qumbacashada iigu wacan
Iigu wacanee
Qumbacashada iigu wacan

Bal qabsoo qofka adi ku jecel
Riyada kugu qarawda ee
Hurdadu qiil qiil ku tahay
Dhib wixii qabsadayna aan qarin
Waxaa qumanaan lahayd
Nolosha ood la qaybsataayoo
Qorshana la samaysataayo

Bal qabsoo qofka adi ku jecel
Riyada kugu qarawda ee
Hurdadu qiil qiil ku tahay
Dhib wixii qabsadayna aan qarin
Waxaa qumanaan lahayd
Nolosha ood la qaybsataayoo
Qorshana la samaysataayo

Qabalku wuxuu qow idhaa
Anoo qoontii kalgacalkiyo
Qudhayda qudhayda qudhaydan
Qudhayda qudhayda qudhaydan
Kuu qafiiftay aan
Qaab aan kuugu sheego raba
Waliba kuugu sii qayaxo
Qaab aan kuugu sheego raba

Qabalku wuxuu qow idhaa
Anoo qoontii kalgacalkiyo
Qudhayda qudhayda qudhaydan
Qudhayda qudhayda qudhaydan
Kuu qafiiftay aan
Qaab aan kuugu sheego raba
Waliba kuugu sii qayaxo
Qaab aan kuugu sheego raba

Exit mobile version