sida laba rafiiqoo
galgacal is raacshaa
raacdeeyay aniguna
nabad inaan ku raagnaa
inkastoon ku rabayoo
kuu riyaaqay maalmahana
rafaad noqotay buurtaad
rakadeeda fuushaa
adoon soo ragaal celin
raartana kasoo dagin
rayigayga saan qabo
kala raagin doonee
sida ramadka geeloo
laga reebay ubadkii
ama rabadin doogloo
reero ay ku guureen
inkastoon ragoo idil
kaa raacay adigun
sida reer abaariyo
omoskaba ku riiqdeen
sahankana rogaal celis
hadba meel u rarayoo
roobloow tilmaamahaa
kuu daba rucleeyaa

Exit mobile version