VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ramad - Lyrics

Raali labo iska ah rasmina isku jecel rubadadoodoo u riyaaqa reer iney dhistaan iyagoon rumeyn raran la dhex dhigoo dareen lagu ridoo midba rakaa u baxay Raxmadlow jaceylka oo yara ribadey raad gooboo raacdadii hayoo rogaal celinsinkii rajo weyn ka qabo raadin jiraan aheyne Inagoo is rabnoo ruuxa isu bixin rar baa ina dhex tiilaye inaan riixno rooneyde sida runta ah qalbiya isku rixin jiraa isku reemo waxba raad raadan meynee rogomnoo ra'yigeenii ku yara raagnoo kala reysan weyney Ramad wada dhankiyo laba raaxo jecel isku raacey waa ra'yigoodii ahaa raas iney noqdaan misna aan rumeyn kala raaga oo rafaad iyo dhibkana aan ka roori karin isba raadinine midba rako u baxay Ris caleenlehiyo reexaan udgoonoo dhirta rucuba miro ka raaracaan roobna uu ku da'ay rugtaa iney degaan ku riyoodaan ahayne inagoo is rabnoo ruuxa isku bixin rar bey ina dhex taalaye iney riixno rooneydee Rurumadii markuu arkuu sidi roobkuu kalgaceyl i raxleeyey u riyaaqe reyreyna rogomnoo rayigeenii ku yara raagnoo kala reysan weynayee sidii roonba raga rarantoo waayo rilan rigantee dhalanteed rida horee rogomnoo rayigeenii ku yara raagnoo kala reysan weynayee Ha dhabqinin ciyaartii dhaqankaaga ku dhaadan lahayd dhaliilna ka dhowr dhaanta aan wada dheelno dhinacyada isa saarnaa caawa inoo dhabowdaye
Queue is empty
-- / --