VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ramad mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Hibo Nuura
Ramad

Raali labo iska ah
rasmina isku jecel
rubadadoodoo u riyaaqa
reer iney dhistaan
iyagoon rumeyn
raran la dhex dhigoo
dareen lagu ridoo
midba rakaa u baxay

Raxmadlow jaceylka
oo yara ribadey
raad gooboo
raacdadii hayoo
rogaal celinsinkii
rajo weyn ka qabo
raadin jiraan aheyne

Inagoo is rabnoo
ruuxa isu bixin
rar baa ina dhex tiilaye
inaan riixno rooneyde
sida runta ah
qalbiya isku rixin jiraa
isku reemo waxba
raad raadan meynee
rogomnoo ra’yigeenii
ku yara raagnoo
kala reysan weyney

Ramad wada dhankiyo
laba raaxo jecel
isku raacey waa
ra’yigoodii ahaa
raas iney noqdaan
misna aan rumeyn
kala raaga oo
rafaad iyo dhibkana
aan ka roori karin
isba raadinine
midba rako u baxay

Ris caleenlehiyo
reexaan udgoonoo
dhirta rucuba
miro ka raaracaan
roobna uu ku da’ay
rugtaa iney degaan
ku riyoodaan ahayne
inagoo is rabnoo
ruuxa isku bixin
rar bey ina dhex taalaye
iney riixno rooneydee

Rurumadii markuu arkuu
sidi roobkuu
kalgaceyl i raxleeyey
u riyaaqe reyreyna
rogomnoo rayigeenii
ku yara raagnoo
kala reysan weynayee
sidii roonba
raga rarantoo
waayo rilan rigantee
dhalanteed rida horee
rogomnoo rayigeenii
ku yara raagnoo
kala reysan weynayee

Ha dhabqinin
ciyaartii dhaqankaaga
ku dhaadan lahayd
dhaliilna ka dhowr
dhaanta aan wada dheelno
dhinacyada isa saarnaa
caawa inoo dhabowdaye

codkii Hibo Nuura