Adigoo goob halis yaal
geeridu ku xeerantahee
maxaa lagu gacan qabtaayoo
gurmadku ku badbaadiyaa

Adigoo horta galay dadaal
Waxaad gaari weedayee
Dantaadu ka gaabisaa
Gargaar lagu sii kabaa

Haddana gurigaaga dumay
Gaddeen udhistaanu lahayn
Wallee Gabalaxsan duqun
Garaad maran baad siddaa

Cid kale kuu waabta geed
Waa tii gabalkaa dumaa

Dad is gaba looma galo Abaalee
Soomaalaay garo intaa

Guud ahaan Adduunyada Garaanta ah
Umadaha ku godooman Gabigood
Iniba dal ugaar ah leeyihiinoo
Gaar ka haayaan kuna gaboobaan
Goor walba hormarin ugoobaan

Ininna keeni soo ganbiniyo
intaan galalafnay ka guurnay
Miyaan geesi wadani ah Ka gubtaa
Ku dhalan gayigeena guudkii

Hadana guuldarada ku gaartay
Kolay horta adigoon ka gaashaamin
Walee gabalaaxsan doqon
Garaad maran baad sidaa

Cid kale kuu waabta geed
Waa tii gabalkaa dumaa

Dad is gaba looma galo Abaalee
Soomaalaay garo intaa

Gunlaay soomaali garaadlaay
Goor walba nabad baad ku guuxdaa
Haddanna waa kaa gadaadaa
Heshiiisbay inba gaar ugaadhaa

Waxaa hadda kula gudboon
Adoo gobalaysi iyo
Ka gudba gaar gaar ahaanoo
Isku geeya guusha meel

Haddana gurigaaga dumay
Gaddeen udhistaanu lahayn
Wallee Gabalaxsan duqun
Garaad maran baad siddaa

Cid kale kuu waabta geed
Waa tii gabalkaa dumaa

Dad is gaba looma galo Abaalee
Soomaalaay garo intaa

Exit mobile version