klaigay kamaan caban
caashaqa dhibtiisoo
ciil uma horayne
dadka kii cadibaybaa
cudud ila haleelay

anoo caafimaad qabay
cudur ruuxa beeree
kuna caawin waayee
cidlo kaaga tagay adi
waa u cadaw jacaylkee

calaf inaan wadaagnaan
ku canaanan waayee
inaan kala carawniyo
inanyahaw cisiyo sharaf
miduun caawa dooroo
bal meeluun cagaha dhigo

intaan jooga ciidiyo
cimrigay intaan jiray
maan filan caloolyow
cajabtan la yaabiyo
culayskan i saarme

waa curad kalgacalkani
wiilkaan calmadayow
rajadii masoo celin
mise caashaqeenii
calooshaan ka gooyaa

Exit mobile version