farxadbaan ku noolaho
jacayl nasabaan hantiyay
nasiibka ha isaacidoo
nalbaa iidaaran damin

nacayb waan kala didna
qalbigu waa ii nadiif
ruuxay xulatay naftaydu
jacayl baaban nuujiya

naftayda naftii fahmaysay
ayaan nolol qaybsanoo
kalgacal aanba naaqusayn
ayaan nidar kula galoo
agtiisaban ku nastaa

nagaansho barwaaqo gaadho
halkuu nabdigaygu rabay
halkuu nalku iiga daarmay
ayaan dhex naxaashaya

namiimka warkiisa dhaafay
nusqaan iyo quudhsi daayay
niyada beerka iyo wadnaha
dhamaan isaga ku nool

naftayda naftii fahmaysay
ayaan nolol qaybsanoo
kalgacal aanba naaqusayn
ayaan nidar kula galoo
agtiisaban ku nastaa

Exit mobile version