dhalinyarada sabankani geesigaan ka soocdee
sadrigayga maankiyo qalbigayga sudhnoow
subax kala wanaagsane samow barashadaadii
jidhkaa la idhex saaqoo sibaad iigu wayntahay
waxaan suuro iyo midab midna lagu sifayn karin
ayaa sida tan ii galay sababtana adaa iska le nafta
kaalay samirsii
sadrigayga caashaqu salow iyo xanuun iyo
sahwibuu ku beeroo ma sahlami ayaamahan
soortiyo anfaacii waan ka soomaanaadaa
jacayl baa i sahan saday sahalow daraadaa

Exit mobile version