nafta ruuxaad siisoo
uniyad samaydoo
nuujisay jacayl dhabee
makuu gaystay naafiyo
nabar aadan ka filan
ma naaqusay jacaylkii
nuurkiisu bixi jirayee
dhaca iyo jaceylkuba
noloshay ka qaybtahee
adigoon uniyad jabinee
naftaada hoy naftaada
naftaada runta uun usheeg
waxaad naawilaysiyo
nasiibkii xumaaday
yay kugu noqnoqonine
naftaada farxadeeda dhowr
nacabka ha isu jabine
ha unug laanin waligaa
rabibaa nasriga hayee
dhaca iyo jaceylkuba
noloshay ka qaybtahayee
adigoon ka niyad jabin
naftaada hoy naftaada
naftaada uun runta usheeg

Exit mobile version