waxay dhadhan macaan iyo dheef noloshu leedahay
markuu ruux dhab kuu jecel dhuuni kula wadaagee
halyaygaan ku dhaartee dhibka iga ilaashee
qayrkay ku dhaafiyo dhaayahaygii argoow

adaa dheeli tirayoo heedhe nafta dhaxal uyeeshoo
dhana kaama tagayee abid ha iga dheeraan

waxay gaari dhiirani ifka goolka dhalisaa markay
geesi dhaqan kara qoys wada dhisaan jirid
halyaygaan ku dhaartoow dhabaad ii xaqdhawrtoo
ana iigu dheertoon kuusoo dhawaystaa

Exit mobile version