dhalinyarada sabankan geesigaan ka soocdee
sadrigayga maankiyo qalbigayga sudhanoow
subax kala wanaagsane samow barashadaadii
jidhkaa la idhex saaqoo sibaad iigu wayn tahay
waxaa suura iyo midab midna lagu sifayn karin
ayaa sida tan ii galay sababtana adaa iskale
nafta kaalay samirsii
sadrigayga caashaqu salawgiyo xanuunkiyo
sahwi buu ku beeroo ma sahlani ayaamahan
soortiyo anfaacadii waan ka soomanaadaa
jacaylbaa i sahansaday sahalow daraadaa

Exit mobile version