Maxaan awgaa hamiyay
Maxaan saqda dhexe hurdada
Hilawga dartaa salalay

Maxaan hoodiyo kalgacal
Inaan kugu habo jacayl
Naftayda maxaan ku hawlay

Anoon hagranin dadaalka
Waxaan murti kuugu heesay
Inaad garataa haboone
Dantiyo hawlaha dhexdeena
Qalbiga waligaa ku hayso

Maxaan awgaa hinqaday
Maxaan hibashiyo xasuus
Habeeno dartaa burqaday

Maxaan hanashiyo wanaag
Inaan kugu helo dulqaad
Hedayda maxaan ku waanshay

Anoon hagranin dadaalka
Waxaan murti kuugu heesay
Inaad garataa haboone
Dantiyo hawlaha dhexdeena
Qalbiga waligaa ku hayso

Exit mobile version