Geesigii rageedoow
Bahay maalmahaanoow
Adigiyo garaadkaa
Garti nine qarsoonayd
Gabtay sheekadeenii
Balankiyo guurkii
Is gargaarsigeenii
Adigaa ka baxayoo
Oo gabay xilkaagee
Gabay barashadiinee
Ana guul joogee
Gabku waa nasiibkaa
Waa gargaar jacayl
Guri dagay hanti badan
Oo labada geesood
Aan lakala guraynine
Sida gobiyo dhaqankeen
Gabaatigiina iga bixi
Galad eebe weeyee
Waxaan guule kuu qorin
Orod laguma gaadhee
Ha uculanin gaawaha
Galbiskii jacaylkee
Gaafka loo sameeyiyo
Ha uganbin reerkaa
Gacal aan wadaagnee
Garo oo is maaree
Godkiyo abeeskii
Gaws iguma qabanee
Adigoon garaafayn
Gacan sharaf ku seexdiyo
Gurshaano ha sahankii
Ana guul joogee
Gabku waa nasiibkaa

Exit mobile version