ma ogtahay dharaartii
gaf ad ka timide
dhalintuna kaliyo laab
dhaanto kuugu tumaye

adna soo dhawayntii
waatan dhex jooge
muuqaagu dheeho
runta dhibida horkacay
igu dhibicyey caashaqu
intu dhidibka ii dhigay

adiguna dhankaagi
jacaylkii i dhabaq yidhi
dhibtiisi ila wadaago
ila dhadhamiso
walaal dhaayahaygo
ha igu eegin dhaawacayga

sow bil iyo dheerad
caashaqii i dhalan oragy
intuu dhiiga iga jaqay
wa la dhuubtay awgaa

qorshaha an dhisayniyo
kol hadaan dhamaynay
waanigan dhaqaaqo
dhexda sii adkaystoo
koobsiyo dhaqaaliyo
dhoofka u diyaariye

aniguna dhankaygii
jacaylkii dhubuq yidi
dhbikiisi kula wadaago
waan kula dhadhamiye
axdigeena dhowroo
yaan dhaxdeena laso gelin

Exit mobile version