dhanka bidix adoo xiga
dheyal ila wadaagoo
wadnaheyga dhinacyada
dhexmaraaya xididada
lafaheyga dhuuxiyo
halbowlaha dhaqaajoo
sanbabaduu ka diirtuu dhigay
dhiigeyga kala wada
dhankastaba ka eegoo
dhayal maleh jaceylkuye
waa dhex taalka noloshiyo
dhaqdhaqaaqa noolaha

anba waad igu dheertahoo
wadnahaa dhextaalaa
dhamaan waaxyaheygiyo
dhimirkaa wareegtaa
kalgaceyl dhaaboobaaa
isi so dhaweyoo
sida sida dheyda caanaha
naftu kama dhargeysee
dhankastaba ka eegoo
dhayal maleh jaceylkuye
waa dhex taalka noloshiyo
dhaqdhaqaaqa noolaha

waxii adi ku dhibi kara
anigana i dhaawaca
jaceylkeena dhimi kara
iska dhowrno abidkeen
dhaayahii nafteydaay
dhowr aan yagyeelnoo
intaan wali kugu dhuro
macaan ha iska dhaga tirin
dhankastaba ka eegoo
dhayal maleh jaceylkuye
waa dhextaalka noloshiyu
dhaqdhaqaaqa noolaha

inuu caashaq dheefyahay
dhadhankiisu malab yahay
dhunkashadu macaantahay
anba wey anba weygu dhigantee
waa waxa dhismaha guur
aqal loo dhidbeeyoo
ubad ubad loo dhalaayoo
loo dhaqanayee
dhankastaba ka eegoo
dhayal ma leh jaceylkuye
waa dhextaalka noloshiyo
dhaqdhaqaaqa noolaha

Exit mobile version