sidu dookhaygu rabo
hadaad ila dooni lahayd
xariir igu daahaniyo
dayrbaad ii noqon lahayd
anigu wehel daacadiyo
dugsaan kuu noqon lahaa

inagoo isu duubanbaan
nolosha daadihin lahayn

inaan kala durugsanaano
kolayba danteena maahee
ku doortaye ila daadaaal
jacaylkana ila daryeel

dadaalkiyo ducada badan
haduu DAA'IM ii aqbalo
adaan duhur iyo habeen
xabiibi ku daawan lahaayoo
naftaadaan daranyadiyo
hantaaqada u diidi lahaa

Exit mobile version