Haduu caawa guuluhu
Geesigaad jeclayd iyo
Guri khayr leh kugu simay

Farxiyaay gurbaa tahee
Gurigaaga ka adkoow
Xaajigaaga garabkiyo
Geestiisa taagnoow
Yaanu samirku kaa gudhin
Cadho cadho yaan lagaa garan
Jacaylkana jacaylkana
Ka dhigo gogol

Aniguna gacan adaygay
Gacantaydii midigeey
Farxiyaay gacan adaygay
Gacantaydii midigeey

Ubax wada guduutiyo
Ducaan kugu galbinayaa
Ubax wada guduutiyo
Ducaan kugu galbinayaa

Dad ma wada gudoonee
Faaraxow gobaaniyo
Gayan weeye inantani

Adiguna gudooniyo
Garyaqaan ayaa tahee
Gabadhaan u roonoow
Waa gaari dhaqan lahee
Yaanay geenyo kaa caban
Kalgacaylku
Kalgacaylku yuu guban
Jacaylkana
Jacaylkana ka dhigo gogol

Aniguna gacan adaygay
Gacantaydii midigeey
Farxiyaay gacan adaygay
Gacantaydii midigeey

Ubax wada guduutiyo
Ducaan kugu galbinayaa
Ubax wada guduutiyo
Ducaan kugu galbinayaa

Exit mobile version